Man City Oo Doonaysa Xiddig Amaah Kula Jooga Arsenal.

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso inay lasoo saxiixato ciyaaryahanka qadka dhexe ee Real Madrid Dani Ceballos inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagaan.

23-jirkan ayaa si amaah ah ugu qaatay kooxda Arsenal xilli ciyaareedka 2019-20, isagoo dhaliyay labo 2 isla markaana caawiye ka noqday 2 gool oo kale 35-kulan uu u saftay Gunners tartamada oo dhan.

Heshiiska Amaahda ah ee xiddiga khadka dhexe ee Emirates ayaa dhici doona bisha dambe waxana uu ku laaban doonaa kooxda Real Madrid sida ay haatan wax u muuqdaan.

Si kasta ha ahaatee Ceballos ayaan ka mid ahayn qorshaha tababare Zidane ee xilli ciyaareedka dambe waxana la rumaysanyahay in uu doonayo in uu sii joogo kooxda Arsenal xilli ciyaareedka dambe.

Wargayska Diario Madridista aya sheegaya in ay Man City sidoo kale isha ku hayso saxiixa xiddiga iskuna dayayso in ay keento xididga iyada oo uu taageere u yahay tababaraha kooxda ee Pep Guardiola.

Sii Akhriso: Dalka Maraykanka Oo Ka Hadlay Xil Ka Qaadistiis Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*