Man City Oo Doonaysa Saxiixa Daafac Bidix Oo Aad Loo Qiimeeyo

Manchester City ayaa isha ku heysa daafaca aadka loo qiimeeyo ee AC Milan Theo Hernandez, sida ay wararku sheegayaan.

In kasta oo ay City jabisay rikoorkii suuqa kala iibsiga ee Ingiriiska markii ay la soo wareegtay Jac Grealish hadaan kooxda ayaa suuqa dagan ku dhamaystay kadib markii ay ku fashilmeen isku daygoodii saxiixa xiddiga Harry kane.

Dhanka kale Man City ayaa u baahan daafac Bidix marka loo eego in ay ka ciyaarsiiso xiddiga Oleksandr Zinchenko kadib markii jeela la dhigay xiddiga daafaca Bidix ka ciyaara ee Benjamin Mendy Kadib dambiyo lagu helay.

Sida laga soo xigtay wargeysyada The Sun, City ayaa isha ku heysa daafaca bidix oo leh tayada uu donayo tababare Pep Guardiola si uu ugu xoojiyo daafaciisa.

Wargayska Calciomercato ayaa sheegaya in ay uu Guardiola iyo Man City jecelyihiin xiddiga kooxda Ac Milan ee Theo Hernandez kaas oo ah xiddiga ugu haboon ee xoojin karo kooxdooda.

Sii Akhriso: Waxyaabaha Uusan Ninku Weydiin Gabadha Uu Jecelyahay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*