Man City Oo Dhulka Ku Jiiday Chelsea Kulan Dhinac Kaliya Ahaa Oo Ka Dhacay Stamford Bridge

Kooxda Man City ayaa dhulka ku jiiday kooxda Chelsea kulan ka dhacay Stamford Bridge Kana tirsanaa horyaalka Premier League todobaadkiisii 17-aad.

Qaybta Hore:

Chelsea ayaa sii wada caadadii xumayd ee kooxaha ku jira 10-ka boos ee ugu sareeya iyaga oo guuldaro foolxumo ah kala kulmay kooxda Man City oo ahayd koox diciif ah marka la eego xiddigaha ka maqnaa oo ahaa kuwii ay kooxdu ku dhisnayd.

Kooxda Man City aaa ciyaarta ku bilaabatay si dar-dar leh xilli ay Chelsea u muuqdeen kuwo tababar ku jira oo aan guul doonayn.

Kooxda Man City ayaa daqiiqadii 18-aad dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga khadka dhexe ee Ilkay Gundogan kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Chelsea ayaan wax fal celis ah ka samayn goolka laga dhaliyay marka loo eego in garoonkeeda lagu ciyaarayay waxana ay ku jireen qaab ciyaareed aad u liita.

Kooxda Man City ayaa daqiiqdii 21-aad mar kale dhalisay gool uu u dhaliyay xiddiga Phil Foden kaas oo hogaanka u dheereeyay kooxdiisa kana dhigay 2/0.

Xilli ay Chelsa iyo Lampard is waydiinayaan meesha wax ka khaldameen ayay Man City gabi ahaan ciyaarta dishay kadib markii uu xiddiga Kevin De Bruyne dhaliyay goolka 3-aad ee ciyaarta una quus gooyay kooxda chelsea.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Chelsea cashar lama ilaabaan ah u dhigtay kooxda suuqii xagaaga la galiyay lacagta 300 ku dhaw.

Qaybta Dambe:

Man City ayaa wali qaybta dambe ahayd kooxda fiican inkasta oo ay hoos u dhigeen dadaalkooda maadama ay 3-da dhibcood jeebka ku hubsadeen.

Hadan chelsea ayaa si weyn ugu dhibaatootay in ay halis galiso goolka kooxda Man City kaas oo si raaxo leh isaga ciyaarayay kulanka.

Chelsea ayaa daqiiqadii ugu dambaysay iska soo baday Hal gool iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Callum Hudson-Odoi kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man City garaacday kooxda Chelsea kuwaas oo dhabarka loo saaray guuldaro kale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*