Man City Oo Dhexda U Galaysa Saxiixa Xiddig Ay Man United Aad U Doonaysay.

Kooxda Man City ayaa lagu soo waramayaa in ay qorshaynayso in ay Man United ka afduubato saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Raphael Varane.

Xiddiga reer France ayaa si aad ah loo filayaa in uu isaga tago kooxda Real Madrid xagaagan xilli uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda caasimada.

Varane ayaa la sheegayaa in uu Real Madrid u sheegay in uu doonayo in uu ka qayb qaato tartan cusub xilli ciyaareedka dambe taas oo keentay in ay kooxdu go’aansatay in ay iska iibiso halkii ay qaab xor ah k waayi lahayd xiddiga.

Wargayska The Athletic ayaa sheegaya in ay kooxda Man City la xidhiidhay wakiilada xiddiga iyaga oo u sheegay xiisaha ay u qabaan saxiixa xiddiga reer france si ay ugu xoojiyaan daafaca dhexe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*