Man City Oo Darsan Goolal Ah U Soo Dhiibtay Brighton & Hove Albion

Manchester City ayaa xasuuq fool xun u geysatay kooxda kubadda cagta Brighton oo ay marti u ahayd, waxaanay kusoo dhufatay 5-0.

Saddexley uu Raheem Sterling dhaliyey iyo laba gool oo ay ku dareen Gabriel Jesus iyo Bernardo Silva ayaa Manchester City ay kulankii labaad oo xidhiidh ah ku guuleysatay shan gool oo aan waxba laga dhalin.

Sterling ayaa daqiiqaddii 21aad gool dhalinta u bilaabay City, waxaana mid labaad raaciyey Gabriel Jesus iyadoo laba daqiiqadood ka hadhsan yihiin dhamaadka qaybta hore.

Qaybtii labaad ayey Manchester City sii wadatay goolasha daadka ah, waxaana mar labaad gool dhaliyey Raheem Sterling, iyadoo uu mid afraadna raaciyey Bernardo Silva.

Sterling ayaa saddexlaydiisa dhamaystirtay ciyaarta oo ay toddoba daqiiqadood ka hadhsan yihiin, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatya 5-0.

Sky Blues ayaa u safartay Amex Stadium iyadoo ay kasii muuqato farxadda guushii weynayd ee ay usbuucii hore ka gaadheen Newcastle United oo ay ku burburiyeen 5-0, waxaanay mar kale lasoo laabteen guul weyn iyo shabaqooda oo nadiif ah.

Shaxdii labada kooxood

Manchester City XI (4-3-3): Ederson; Kyle Walker, Eric Garcia, Aymeric Laporte, Benjamin Mendy; Kevin De Bruyne, Rodri, Bernardo Silva; Riyad Mahrez, Gabriel Jesus, Raheem Sterling.

Kaydka: Cole Palmer, Tommy Doyle, John Stones, Nicolas Otamendi, David Silva, Oleksandr Zinchenko, Phil Foden, Scott Carson, Fernandinho.

Brighton XI (4-2-3-1): Mat Ryan; Martin Montoya, Adam Webster, Lewis Dunk, Bernardo; Davy Propper, Yves Bissouma; Pascal Gross, Aaron Mooy, Leandro Trossard; Aaron Connolly.

Kaydka: Shane Duffy, Dale Stephens, Dan Burn, Neal Maupay, Alireza Jahanbakhsh, Glenn Murray, David Button, Alexis Mac Allister, Tariq Lamptey.

Pep Guardiola ayaa isbeddel ku sameeyey shaxdii uu kula ciyaaray Newcastle ee uu guusha weyn kaga soo hooyey, waxaanu kaliya kasoo qaatay xiddigihii kulankaas Ederson, Rodri, De Bruyne, Mahrez iyo Jesus.

Daqiiqaddii 21aad ee ciyaarta ayay Manchester City hoggaanka qabatay, waxaana gool u dhaliyey Raheem Sterling oo uu caawiyey Gabriel Jesus.

Sterling ayaa horumar ka sameeyey toogashada goolka, waxaanu dhaliyey labadii laag ee ugu dambeeyey ee uu goolka ku ganay, iyadoo uu hore rikoodhkiisa gool toogashadu u xumaa. 26 jeer oo hroe, waxa uu kaliya dhaliyey laba gool.

Man City waxay samaysay fursado badan oo ay goolal ku dhalin karayeen, waxaana xusid mudan in Sterling, Jesus iyo Mendy ay intudba ku dhowaadeen inay hoggaanka u dheereeyaan kooxdooda.

Weeraryahanka reer Brazil ee Gabriel Jesus ayaa daqiiqaddii 44aad ee ciyaarta goolka labaad u dhaliyey Manchester City, kaddib markii uu shabaqa ku hubsaday kubbad uu ka helay Rodri.

Jesus ayaa xili ciyaareedkiisii labaad oo xidhiidh ah waxa uu Man City u dhaliyey 20 gool dhamaan tartamada, waxaana hal gool uga hadhsan yahay rikoodhkiisa xili ciyaareedkii hore ee 2018/19 oo uu 21 gool diiwaan-gashaday.

Markii lagu soo laabtay qaybta labaad ee ay socotay shan daqiiqadood oo kaliya ayuu Raheem Sterling hoggaanka kooxdiisa usii dheereeyey, waxaanu goolhaye Mat Ryan daba mariyey kubbad uu dhinaca bidix uga soo gudbiyey Mendy.

Shan daqiiqadood oo kaliya kaddib ayay City ciyaarta ka dhigtay 4-0, waxaana goolkan u saxeexay xiddiga reer Portugal ee Bernardo Silva oo garab ka helayay weeraryahanka reer Brazil ee Gabriel Jesus oo caawintiisii labaad ee ciyaarta sameeyey.

Ciyaarta oo ay toddoba daqiiqadood ka hadhsan tahay ayuu Raheem Sterling dhamaystirtay saddexley, isaga oo ciyaartana ka dhigay 5-0.

Laacibka reer England ayaa dhaliyey saddexlaydii 4aad intii uu Manchester City kusoo biiray xili-ciyaareedkii 2015/16, waxaana kaliya ka saddexley badan Harry Kane oo 9 jeer dhaliyey min saddex gool iyo Sergio Aguero oo toddoba kulan israaciyey min saddex gool.

Man City waxay heshay fursado ay natiijada ciyaarta kaga badin karayeen intan, laakiin waxay ugu dmabayntii kusoo dhamaatay 5-0, waana kulankii labaad oo xidhiidh ah ee shan gool ay ku badiyaan iyadoo aan waxba laga dhalin.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*