Man City Oo Dalab Cusub Oo Lacag & Xiddig Ka Gudbinaysa Harry Kane.

Kooxda Man Ciy ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinyso in ay dalab cusub ka gudbinayso saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara Tottenham ee Harry Kane sida ay sheegayaan wararku.

Halkii ay bixin lahaayeen lacag dhan 150 milyan oo euro kooxda Man City ayaa diyaarinaysa dalab lacag iyo waliba xiddiga Bernardo Silva Si ay u helaan Harry Kane.

Sida laga soo xigtay Daily Mail, Pep Guardiola ayaa diyaar u ah in uu iska fasaxo Bernardo Silva hadii ay ka caawinayso helitaanka saxiixa Harry kane laakiin City ayaan diyaar u ahayn in ay bixiso 150 milyan oo euro.

Kooxda Premier League ku guulaystay ayaa haatanba laga diiday dalab lacageed oo dhan 100 milya oo ay ka gudbisay Harry Kane kaas oo ay Tottenham aamisantahay in uuna u qalmin xidigu.

Laakiin City ayaa la sheegayaa in ayna diyaar u ahayn in ay bixiso wax ka badan 130 milyan oo euro inkasta oo ay diyaar u tahay in ay Bernardo Silva ku darto heshiis kasta.

Sii Akhriso: Hadii Aad 12-Kan Calaamad Ka Heshid Fariimaha Qofka Aad Jeceshahay Waxa Ay La Mid Tahay In Uu Qofkaasna Ku Jecelyahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*