Man City Oo Bartilmaameedka Ugu Sareeya Ka Dhigatay Xiddig Wacdaro Ka Dhigaya La Liga.

Manchester City ayaa xiddiga garabka uga Ciyaara Real Sociedad ee Mikel Oyarzabal u calaamadsatay bartilmaameedka koowaad ee suuqa kala iibsiga xagaaga 2022, sida lagu sheegayaan wararku

Xiddiga 24 jirka ah ayaa ka soo baxay Akademiyada Real Sociedad waxana uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkii hore isaga oo dhaliyay 11 gool 8 kalena caawiye ka noqday 33 kulan.

City ayaa rikoodhka suuqa u jabisay xiddiga Jack Grealish iyaga oo kala wareegay Aston Villa laakiin Pep Guardiola ayaa la filayaa in ay xiddig kale oo garabka ah la soo saxiixato dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sida laga soo xigtay eurosport, Oyarzabal Ayaa ah xiddiga bartilmaameedka u ah Man Cit kuwaas oo bixin kara lacagta lagu bur-burinayo heshiiskiisa ee dhan 67 milyan oo euro.

Oyarzabal ayaa haatanba dhaliyay 4 gool xilli ciyaareedka cusub ee La Liga waxana uu ka qayb qaatay ciyaarihii Tokyo 2020 isaga oo dhaliyay 3 gool 2 kalena caawiye ka noqday.

Sii Akhriso: Waa maxay heerka ugu sarreeya ee jacaylka?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*