Man City Oo Bartilmaameed Ka Dhigatay Xiddig Wacdaro Ka Dhigaya Premier League.

Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa lagu soo waramayaa in uu daafaca Bidix ee kooxda Man City ee Lucas Digne u calaamadsaday bartilmaameedka 1-aad ee suuqa January.

Xiddigaha Joao Cancelo & Nathan Ake ayaa ka ciyaaray daafaca Bidix xilli ciyaareedkan iyada oo uu Benjamin Mendy iyo Oleksandr Zinchenko dhaawacyo la dhibaatoonayaan xilli ciyaareedkan.

Digne ayaa haatan dhaawac uga maqan kooxda Everton laakiin xiddiga reer France ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay tan ilaa markii uu ku soo biiray Premier League.

Haatan wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in uu Pep Guardiola Daafaca Bidix u calaamadsaday in uu ku xoojiyo kooxdiisa marka la gaadho suuqa Jnauary.

Laakiin Everton ayaa doonaysa in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga 27 jirka ah si ay Man City uga hor istaagto in ay hesho saxiixiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*