Man City Oo Barcelona U Sheegtay Hal Xiddig Oo Ay Ku Darto Heshiiska Ay Ku Doonayso Raheem Sterling

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay ku wargalisay Barcelona inay dooneyso Ousmane Dembele inuu u dhaqaaqo Etihad Stadium heshiis kasta oo macquul ah oo ku aadan Raheem Sterling.

Barcelona ayaa la sheegayaa in ay doonayso saxiixa xiddiga Sterling marka la gaadho suuqa January iyada oo Man City u furantahay in ay iska iibiso xiddiga reer England.

Si kasta ha ahaatee Man City ayaa Barcelona waydiisan doonta xiddiga Dembele in lagu daro heshiis kasta oo ku saabsan xiddiga reer England.

Dembele ayaan wali heshiis cusub u saxiixin Barcelona iyada oo heshiiskiisa haatan dhici doono xagaaga dambe waxana uu xiddigu xor u yahay in uu wadahadalo la qaato kooxda uu doonayo.

Xiddiga 24 jirka ah ayaa ka soo kabsanaya dhaawac jilibka ah waxana uu dhaliyay 30 gool 21 caawin 118 kulan oo uu u saftay Barcelona.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*