Man City Oo Barcelona U Leexanaysa Hadii Ay Waydo Harry Kane, Xiddigee Ayay Ka Ishaaratay.

Kooxda Man City ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Barcelona ee Antoine Griezmann Hadii ay waayaan saxiixa xiddiga Harry Kane.

Kooxda Man City ayaa suuqa ugu jirta weeraryahan cusub kadib markii ay wayday xiddiga Sergio Aguero kaas oo qaab xor ah uga tagay kooxda dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore.

Man City ayaa calaamadsatay xiddiga kooxda Tottenham ee Harry Kane kaas oo ay u doonayaan in ay ku xoojiyaan weerarkooda xilli ciyaareedka dambe iyayaga oo diyaar ula ah 100 milyan oo euro.

Laakiin kooxda Tottenham ayaa ilaa haatan diidan in ay hoos u dhigto qiimaha lacageed ee 150-ka milyan ee ay ku qiimayso xiddiga reer England inkasta oo uu xiddigu qirtay rabitaankiisa ah in uu isaga tago kooxda.

Man City ayaa la diyaar u ah in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga kooxda Barcelona ee Antoine Griezmann hadii ay waydo saxiixa Harry Kane inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Barcelona ayaa la filayaa in ay ogolaato bixitaanka Antoine Griezmann maadama uuna xiddigu soo bandhigin qaab ciyaareedkii laga filayay markii uu ugaga soo biiray kooxda Atletico Madrid.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*