Man City Oo Bar-Baro Niyad Jab Leh La Gashay Brighton.

Kooxda Man City ayaa bar-baro niyad jab leh la gashay kooxda Brighton kulan ka tirsanaa Premier League kana dhacay garoonka Etihad.

Man City ayaa u baahnayd in ay badiso si ay ugu sii tartamaan boosaska loogu soo boxo champions League.

Haaland ayaa dhaliyay goolka furitaanka daqiiqadii 11-aad isaga oo dhaliyay rikoodhe loo dhigay kooxdiisa.

Kooxda martida aheyd ayaa la timid goolka barbaraha waxaana u dhaliyay Pervs Estupinan daqiiqadii 21-aad.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Masar Omar Marmoush ayaa daqiiqadii 39-aad u suuragashay inuu goolka labaad udhaliyo Citizens.

Kooxda martida aheyd ayaa waxaa u suura gashay in ay dhaliyaan goolka iyada oo uu si khaldan isaga dhaliyay daafaca Man City ee Abdulkader Khosanov.

Kadib bar-baraha kooxda Man City waxa ay leedahay 48 dhibcood iyaga oo ku jira kaalinta 5-aad e premier League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga