Saxafiga David Ornstein ayaa sheegay in tababaraha Chelsea, Enzo Maresca, uu soo baxayo inuu yahay musharrax hormuud ah oo lagu beddeli karo Pep Guardiola haddii tababaraha reer Spain uu ka tago Manchester City xagaaga dambe.
Ilo ka baxsan naadiga ayaa tilmaamaya in rajada sii kordheyso in xilli-ciyaareedkan uu noqon karo kii ugu dambeeyay ee Guardiola ka shaqeeyo Etihad, iyadoo go’aanka la filayo in la gaaro marka uu dhammaanayo Xilli Ciyaareerdkan. Manchester City-na waxay diyaarinayaan qorshayaal kale haddii arrintaas ay dhacdo.
Maresca, oo horay uga soo shaqeeyay City heerarka dhalinyarada iyo kuwa waaweyn—wuxuuna ku guuleystay horyaalka Premier League 2 isaga oo la joogay U23-da xilli-ciyaareedkii 2020/21, isla markaana ahaa kaaliyaha Guardiola xilli-ciyaareedkii 2022/23—ayaa weli taageero weyn ku leh madaxda sare ee naadiga. Waana musharraxa ugu sareeya haddii boos banaanaado, inkasta oo uusan ahayn kan keliya ee la tixgelinayo.
Guardiola ayaa saxiixay kordhin qandaraas bishii November 2024, taasoo soconaysa illaa June 2027, taasoo siinaysa labada dhinac waqti. Tababaraha 54-jirka ah ayaa taariikh ahaan caado u leh inuu go’aankiisa mustaqbalka sugo illaa dhammaadka xilli-ciyaareedyada.
Be the first to comment