Man City Oo Badalka Fernandinho & Gundogan Ka Heshay Premier League, Waa Xiddig Man United Lala Xidhiidhinayo

Kooxda Man City ayaa isku diyaarinaysa in ay dalab 50 milyan ah ka gudbiso saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Leeds United ee Kalvin Phillips.

Tababaraha Man City ee Pep Guardiola ayaa xiddiga Kalvin Phillips u calaamdsaday badalka Fernandinho & Ilkay Gundogan kuwaas oo ka tagi doona kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Man City ayaa khadka dhexe ka dhigtay bartilmaameedka ay doonayso in ay xoojiso suuqa xagaaga iyada oo isaga hadhay xiddiga West Ham ee Declan Rice kaas oo lagu qiimeeyo lacag dhan 100 milyan.

Laakiin Guardiola iyo City ayaa xiddiga Phillips u aragta xiddig ku soo baxaya qaab ciyaareedka kooxda sidoo kale lagu heli karo lacag macquul ah.

Kooxda Man City ayaa Man United ku garaacaysa saxiixa xiddiga kuwaas oo lala xidhiidhinayay todobaadyadii ugu dambeeyay si ay ugu xoojiyaan kooxda.