Man City Oo Badalka Benjamin Mendy Ka Heshay Man City.

Kooxda Man City ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso saxiixa daafaca kooxda Atletico Madrid ee Renan Lodi.

Man City ayaa doonaysa xiddiga 22 jirka ah ee ka ciyaara daafaca Bidix si ay ugu xoojiso booska daafaca bidix oo ay ku dhibaatoonayso xilli ciyaareedkan.

Pep Guardiola ayaa si aad ah u doonaya xiddig daafaca bidix ka ciyaara kadib markii uu Benjamin Mendy ku dhibaatooday dhaawac tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda.

Renan Lodi ayaa wacdaro ka dhigaya kooxda Atletico Madrid isaga oo ka mid ah xiddigaha ugu fiican ee booskiisa ka ciyaara xilli ciyaareedkan.

Tababare Guardiola ayaa Renan Lodi u arka mid wax weyn ku soo kordhin doona inta ka dhiman xilli ciyaareedkan haatan socda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*