Man City Miyay Dooneysaa Gareth Bale , Tababare Pep Ayaa Jawaab Cad Ka Bixiyay

Tababaraha kooxda Man City ee Pep ayaa daboolka ka qaaday go`aanka kooxdiisa ee ku aadan in ay la soo hishiiyaan Gareth Bale

Mustaqbalka Gareth Bale ee Real Madrid calaamad su`aal ayaa dul saaran waxaana loo badinayaa in xagaagaan uu bixi doono

Gareth Bale ma uusan ciyaarin kulankii xalay xittaa keydka kuma jirin waxa ayna Real xalay ka hareen Champion-ka ka dib guul darro 2/1 ah oo ay kala kulmeen Man City

Ka hor kulankaas waxa uu tababare Zidane tilmaamay in Gareth Bale isaga uu codsaday in uusan ciyaarin kulankaas waxa ayna tani hawada ku sii shareereysaa mugdiga ku jira mustaqbalka Gareth Bale .

Tababare Pep ayaa wax laga weydiiyay aragtidiisa ku aadan xaaladda Gareth Bale ee Real waxa uu Pep ku jawaabay isaga oo u waramayay Manchestereveningnews”kama jawaabayo su`aashaas waayo ma jiraan wax aan ka ogahay waxa ka socda gudaha Real”.

Waxa uu intaas sii raaciyay macalin Pep” Man City ma xiiseynayaan in ay dalab iibsi ah ka geeyaan Gareth Bale”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*