Man City Mise Real Madrid? Arsene Wenger Oo Saadaaliyay Kooxda Badin Doonta Kulanka Caawa

Tababarihii hore ee Arsenal Arsene Wenger ayaa u doortay Manchester City inay ka badiso Real Madrid semi-finalka Champions League.

Man City ayaa guul 4/3 ah ka gaadhay Real Madrid lugtii hore ee tartanka ka dhacay garoonka Etihad todobaadkii hore.

Waxa la sugayaa kulan xiiso leh oo ay labada kooxood soo bandhigi doonaan kulanka caawa Wenger ayaana rumaysan in ay Man City garaaci doonto kooxda Real Madrid iskana xaadirin doonto Final-ka tartanka.

“Man City ayaa ah kooxda fiican, marka kaliya ee ay Man City diciifka tahay waa marka uuna ciyaarayn Walker”ayuu Wenger yidhi.

“Laakiin marka ay haystaan Joao Cancelo iyo Walker, waxa ay ciyaari karaan kubad fiican difaac ahaan”ayuu sii raaciyay.