Man City Mise PSG? Taageerayaasha Kubada Cagta Oo Saadaaliyay Kooxda Iska Xaadirin Doonta Final-ka Champions League.

Kooxaha PSG iyo Man City ayaa isaga hor iman doona kulan adag oo si weyn loo sugayo kana tirsan Lugta 1-aad ee Semi-final-ka champions League.

Labada kooxood ayaa ka mid ah kooxaha ugu cad-cad ku guulaysia champions League laakiin midkood ayuunbaa ku guulaysan karta koobka maadama ay isaga hor iman doonaan Semi-finalka midkoodna ka hadhi doono tartanka.

Kooxda PSG ayaa dhaaftay kooxda difaacanaysay koobka ee Bayern Munich kulan xiiso lahaa oo si weyn loogu raaxaystay labadii lugood ee 8 Dhamaadka tartanka champions League.

Dhanka kale Kooxda Man City ayaa dhaaftay kooxda Borussia Dortmund kulan markii hore laga naxsaday ka hor inta ayna soo laabasho samayn kulankii lugta 2-aad ee tartanka champions League.

Xidhiidhka kubada cagta Yurub ee UEFA ayaa bogooda Twitter-ka ku waydiiyay Taageerayaasha kubada cagta kooxda ay filayaan in ay iska xaadiriso Final-ka champions League xilli ciyaareedkan.

Taageerayaal dhan 62,228 ayaa ka qayb qaatay Codaynta lagu doonayay in lagu saadaaliyo kooxda labada kooxood iska xaadirin doona Final-ka tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Codaynta ayaa si aad ah isugu dhaw iyaga oo ay u dhexeeyaa cel-celis aad u yar marka loo eego in 57.9% taageerayaashu u codeeyeen in ay PSG iska xaadirin doonto Final-ka halka ay 42.1% ay taageerayaashu u codeeyeen kooxda Man City.

Sii Akhriso: Noocyada Jacaylka Ee Jira, 1 & 6-aad Ayaa Ugu Muhiimsan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*