Man City Mise PSG? Kooxda Ugu Cad-Cad Saxiixa Lionel Messi Oo La Ogaaday

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay ugu cad-cadahay saxiixa xiddiga Lionel Messi iyada oo xiddiga reer Argentine lagu heli karo qaab xor ah.

Barcelona ayaa khamiistii xaqiijisay in uu Lionel Messi ka tagi doono kooxda kadib markii ay heshiis cusub ka saxiixan waayeen xiddiga taas oo la macno ah in uu xiddigu koox cusub ku biiri doono.

Saxafiga Fabrizio Romano Ayaa sheegaya in ay kooxda PSG haatanba wadahadalo la qaadatay xiddiga reer Argentine si ay u hesho saxiixiisa inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Si kasta ha ahaatee, sida laga soo xigtay Marca, Man City ayaa ugu cadcad 34-jirkan inkasta oo ay khamiistii dhammaystirtay heshiis rikoor-jabis ah kula wareegtay xiddiga Jack Grealish.

Warara ayaa sheegaya in ay kooxda PSG awooda saari doonto heshiiska cusub ee ay ka saxiixan doonto xiddiga Kylian Mbappe sidaas darteedna ay ku adkaan karto inay Messi u gacan geliso heshiiska uu doonayo.

Sii Akhriso: Kulanka Sariirta: Cuntooyinka Kor U Qaada Rabitaanka Ragga & Dumarka Ee Kulanka Sariirta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*