Man City Mise Liverpool? Alan Shearer Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Premier League Xilli Ciyaareedkan.

Halyeeyga Premier League Alan Shearer ayaa saadaaliyay in ay Man City Horyaalka premier League ku garaacdo Horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Shearer oo ah xiddiga ugu goolasha badan taariikhda premier League ayaa sheegay in uu Erling Haaland Man City ka caawin doono in ay ku guulaysato horyaalka premier League.

Man City ayaa xilli ciyaareedkii hore hal dhibic Liverpool kaga qaaday horyaalka premier League maalintii ugu dambaysay ee xilli ciyaareedka.

Shearer ayaana saadaaliyay in ay Man City mar kale ku guulaysan doonto horyaalka premier League isla markaas qaadi doonto horyaalka xilli ciyaareedkii 3-aad oo xidhiidh ah.

“Kadib markii aan arkay kulankii Community Shield-ka, markii aan arkay fal celiska Klopp iyo kooxdiisa waxa ay u muuqataa in ay mar kale dagaal diyaar u yihiin”ayuu Shearer yidhi.

“Kaliya hal dhibic ayay ku kala bexeen xilli ciyaareedkii hore waxana uu noqon doonaa dagaal adag xilli ciyaareedkan”.

“Hadii aan saadaaliyo midka ku guulaysan doona horyaalka haatan, waxa aan dooran Man City Sabab la xidhiidha Erling Haaland, waxa ay ku guulaysteen horyaalka xilli ciyaareedkii hore la’aantiis sidoo kale iyaga oo aan haysan weeraryahan toos ah laakiin haatan waxa ay haystaan weeraryahan dhaliye ah oo 30 gool dhalin kara”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*