Man City, Barcelona Mise? Pep Guardiola Oo Shaaca Ka Qaaday Halka Uu Doonayo In Uu Lionel Messi Ka Ciyaaro.

Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa ka hadlay wararka ku hareeraysan mustaqbalka Lionel Messi ee Barcelona.

Tababaraha ayaa soo tababarya Messi wakhtigii ku jira da’da ugu fiican kubada cagta lana soo qaatay wakhtiyo xanuus leh kulana guulaystay 2 champions League iyo 3 horyaal La Liga.

Inkasta oo uu Guardiola kooxo kale soo tababaray sida Bayern Munich iyo Man City laakiin Messi ayaa sii joogay kooxda Barcelona oo ah kooxda kaliya ee uu u soo ciyaaray.

Intii lagu jiray shirkii ka horeeyay kulanka Newcastle tababare Pep Guardiola ayaa la waydiiyay wararka Man City la xidhiidhinaya Man City.

Tababaraha ayaa diiday in uu ka hadlo qorshihiisa suuqa kala iibsiga ee kooxda Man City.

“Sidii aan horay u sheegay waxa aan suuqa ka hadli doonaa marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan wax kale kama odhan karo arintaas”ayuu Guardiola yidhi.

“Laakiin waxa aan doonayaa in uu Messi sii joogo Barcelona”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*