
Madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa fariin bogaadin ah u diray Xulka Gobolka Banaadir oo ku guulaystay koobka maamul Goboleeyada Somalitya.
Xulka Gobolka Banaadir ayaa rikoodhayaal koobka kaga qaaday xulka Galmudug kadib kulan xiiso lahaa oo ay labada kooxood soo bandhigeen.
Kadib markii ay ciyaartu dhamaatay ayuu madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo bogiisa Twitter-ka ugu Hambalyeeyay xulka Gobolka Banaadir.
Madaxweyne Farmaajo ayaa bogiisa Twitter-ka ku soo qoray”Hambalyo Xulka Kubadda Cagta ee Gobolka Banaadir oo ku guuleystay Koobka Dowlad Goboleedyada Dalka, sidoo kale waxaan bogaadinayaa Xulka Galmudug oo soo gaaray ciyaarta kama danbeysta ah. Labada Kooxoodba waxa ay muujiyeen xirfad sare, isku xirnaan iyo dadaal ballaaran”.
Hambalyo Xulka Kubadda Cagta ee Gobolka Banaadir oo ku guuleystay Koobka Dowlad Goboleedyada Dalka, sidoo kale waxaan bogaadinayaa Xulka Galmudug oo soo gaaray ciyaarta kama danbeysta ah. Labada Kooxoodba waxa ay muujiyeen xirfad sare, isku xirnaan iyo dadaal ballaaran. pic.twitter.com/Th1U8A2fSH
— Mohamed Farmaajo (@M_Farmaajo) December 31, 2020
Be the first to comment