Madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez Oo Xiddig Kooxdiisa Ah U Ogolaaday In Uu Ku Biiro Premeir League.

Madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez ayaa albaabada u furay kooxaha Manchester United ama Chelsea si ay ula soo saxiixdaan Raphael Varane xagaagan.

Xiddiga reer France ayuu hal sano uga hadhay heshiiskiisa Real Madrid waxana uu diiday ilaa haatan in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda.

Madrd ayaa Varane ku qiimaysa lacag dhan 100 milyan oo euro waxana ay u ogolaanaysaa in uu isaga tago kooxda halkii uu si xor ah uga tagi lahaa xagaaga 2022.

Perez ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu dhagaysto dalabyada u imanaya xiddiga xilli lala xidhiidhinayo kooxaha chelsea iyo Man United.

“Varane? Waan ku faraxsanahay kooxdeena… hadii uuna xiddigu doonayn in uu sii joogo Mandrid wuu isaga tagi karaa”ayuu Perez yidhi.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 4 Sifo Oo Cajiib Ah Oo Ay Dumarku Leeyihiin Oo Uuna Ninku Iska Caabin Karin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*