Madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez Oo Kashifay Xiddig Ay Taageerayaasha Kooxdiisu Ka Codsadaan In Uu La Soo Saxiixdo.

Madaxweynaha Kooxda Real Madrid ee Florentino Perez ayaa shaaca ka qaaday xiddigaha ay taageerayaasha kooxdiisu ka codsadaan in uu la soo saxiixdo marka ay wadada ku arkaan.

Florentino Perez Ayaa sheegay in ay Taageerayaasha Los Blancos ka codsadaan in uu la soo saxiixdo xiddiga kooxda PSG ee Kylian Mbappe marka ay ku arkaan wadada isaga oo socda.

“Marka ay wadada igu arkaan waxa ay iga codsadaan in aan la soo saxiixdo Mbappe”ayuu Florentino Perez  u sheegay El Chiringuito.

Real Madrid ayaa si weyn loola xidhiidhinayay saxiixa xiddiga reer France ee Kylian Mbappe iyada oo ay kooxdu doonayso in ay la soo saxiixato xiddiga weerarka ka ciyaara.

Heshiiska Kylian Mbappe ee PSG ayay haatan 18 bilood ka dhimantahay waxana uu diidanyahay in uu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa haatan taas Real Madrid u fududaynsa saxiixa xiddiga.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Maxaad Ku Jawaabi Hadii Gabadh Aad Ka Heshay Ku Waydiiso Da’daada?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*