Madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez Oo Ka Jawaabay Eedaymaha Lagu Eedeeyay In Uu Lug Ku Lahaa Ka Tagistii Lionel Messi Ee Barcelona.

Madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez ayaa ka jawaabay eedeymihii loo soo jeediyay saacadihii la soo dhaafay ee ku saabsanaa inuu sabab u ahaa bixitaankii kabtankii hore ee Barcelona, ​​Lionel Messi kaas oo ku biiray kooxda PSG.

Lionel Messi ayaa Salaasadii shalay ahayd qaab xor ah ugu biiray kooxda PSG kadib markii ay Barcelona ku fashilantay in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga sabab la xidhiidha xeer uu La Liga dhigay oo dhanka musaharka ah.

Waxaa jiray eedeymo loo soo jeediyay madaxweynaha Real Madrid kuwaas oo ku saabsanaa in uu madaxweynaha Barcelona ku qanciyay in uu iska Fasaxo xiddiga Lionel Messi sidoo kale caawin ka helay agaasimaha kooxda Barcelona ee cusub ee Ferran Riverter.

“Waa wax aan macquul ahayn inaan wax saamayn ah ku yeesho ka bixitaanka Messi ee Barcelona,” ayuu Perez u sheegay wargayska Sport.

Wuxuuna sii raaciyay, “Marka la eego hadalada uu sheegay Joam Ubis (xubin hore uga ahaa golaha Barcelona), wuxuu sheeganayaa inaan saaxiibtinimo adag la leeyahay Riverter inkastoo aan la kulmay laba jeer oo kaliya noloshayda”.

“Waxa ina dhaafay 4 bilood kadib waxa aan la kulmay Madaxweynaha Barcelona ee Joan Laporta, iyo madaxweynaha Juventus Andrea Agnelli laakiin wakhtigaas waa markii lagu dhawaaqay go’aanka Messi”.

“Sidaas darteed waa mid aan mcquul ahayn in aan door ku yeesho Arintaan ama go’aan kasta oo ay Barcelona qaadatay, waxaan rajeynayaa in Ubis uu sixi doono hadaladiisa sida ugu dhakhsaha badan”.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Sifooyinka Ninka Xada Qalbiga Gabadha & Qoyskeeda Aragtida Ugu Horaysa

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*