Madaxweynaha PSG Oo Shaki Galiyay Mustaqbalka Neymar Ee PSG, Maxaa Cusub?

Madaxweynaha Kooxda PSG ee Nasser Al-Khelaifi ayaa shaki galiyay mustaqbalka xiddiga kooxda ee Neymar kaas oo Albaabka u furay in uu isaga tago kooxda xagaagan.

Hadal Mustaqbalka Neymar ee PSG ayaa la iloobay kadib markii uu xiddigu sii joogay kooxdiisa xagaagii hore inkasta oo lala xidhiidhinayay Barcelona.

Nasser Al-Khelaifi ayaa wax laga waydiiyay mustaqbalka Neymar xilli ay jiraan warar sheegaya in ay PSG iibin doonto qaar ka mid ah xiddigaha mushaharka badan ka qaata kooxda.

Markii la waydiiyay in uu Neymar sii joogi doono PSG xilli ciyaareedka dambe ayuu Nasser Al-Khelaifi yidhi”Hadii uu Neymar ka mid yahay qorshaha PSG iyo hadii kale? arimahaas kagama hadli karno saxaafada”.

“Xiddigaha qaar ka mid ah kooxda way bixi doonaan qaar kalena way iman doonaan, arintaas si gaar ah ayaan uga wadahadli doonaa”.

Xiddiga reer Brazil ayaan haatan ka mid ahayn xiddigaha ugu muhiimsan kooxda kadib markii ay kooxdu heshiis cusub ka saxiixatay xiddiga Kylian Mbappe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*