Madaxweynaha Cusub Ee Barcelona Joan Laporte Oo Ay Kaga Dhagantahay Xiddig Laf Dhabar U Ah Liverpool.

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay bartilmaameed ka dhigatay xiddiga daafaca Bidix uga ciyaara Liverpool ee Andy Robertson oo 27 jir ah sida ay sheegayaan wararku.

Andy Robertson ayaa laf dhabar u ah kooxda Liverpool isaga oo fure u ahaa guulihii ay Liverpool gaadhay sanadihii ugu dambeeyay uguna guulaystay koobabka.

Wargayska Diario Gol ayaa sheegaya in ay Kooxda Barcelona doonayso saxiixa Andy Robertson si uu xili ciyaareedka dambe Booska kula tartamo xiddiga Jordi Alba.

Madaxweynaha kooxda Barcelona ee Joan Laporte ayaa doonaya in uu helo saxiixa xiddiga reer Scotland wax walba oo dhaca marka uu furmo suuqa xagaaga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*