Madaxweynaha Barcelona Oo Si Maldahan Uga Hadlay Fursadaha Kooxdiisa Ee Saxiixa Joan Laporta

Madaxweynaha Barcelona Joan Laporta ayaa soo jeediyay in kooxdiisu ay si adag ugu jirto loolanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka Borussia Dortmund Erling Braut Haaland inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.

Waxa la filayaa in xagaaga soo socda Haaland lagu helo lacag dhan 63 milyan oo euro waxana uu xiiso ka helayaa kooxo badan oo reer yurub ah kana mid yihiin Manchester United, Manchester City, Bayern Munich, Chelsea, Real Madrid iyo Paris Saint-Germain.

Arrimaha dhaqaalaha Barcelona ayaa u muuqday inay ka saareen tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga laakiin Laporta ayaa sheegay in ay wax walba suurtagal yihiin markii wax laga waydiiyay in ay u dhaqaaqi karaan saxiixa xiddiga.

“Waxaan ka shaqeyneynaa inaan dhisno koox fiican, wax walba waa suurtagal haddii aan si wanaagsan u sameyno, waxaana hubaa inaan sameyn doono, ciyaartoyda ugu waaweyn waxa ay doonayaan in ay ku soo biiraan Barcelona”ayuu Laporte yidhi.

Haaland ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo dhaliyay 19 gool iyo 5 caawin 16 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.