Madaxweynaha Barcelona Joan Laporta Oo Premier League Ka Doortay Badalka Ronald Koeman.

Madaxweynaha Barcelona Joan Laporta ayaa lagu soo waramayaa inuu Tababaraha Kooxda Chelsea ee Thomas tuchel u calaamdsaday badalka macsquulka ah ee Ronald Koeman hadii uu shaqada ka cadhiyo Tababaraha.

Koeman ayaa la filayaa in uu kulankiisii ugu dambeeyay hogaamiyo kulanka maanta ee ay Barcelona la ciyaari doonto Atletico Madrid iyada oo la filayo in uu baneeyo booska inta lagu jiro fasaxa xulalka.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in uu Madaxweynaha Kooxda Barcelona ee Joan Laporta tababaraha chelsea ee Tuchel u arko tababaraha ugu haboon ee hogaamin kara kooxdiisa.

Tuchel ayaa shaqo fiican ka qabtay chelsea tan ilaa markii uu la wareegay hogaanka kooxda isaga oo ku hogaamiyay laba koob oo waaweyn kana mid yahay champions League iyo UEFA Super Cup.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*