Madaxweynaha Barcelona Joan Laporta Oo Ka Hadashay Mustaqbalka Frenkie De Jong, Man United Ayuu Fariin Cad U Diray.

Madaxweynaha Kooxda Barcelona ee Joan Laporta ayaa ka hadlay mustaqbalka xiddiga khadka dhexe ee Frenkie De Jong kaas oo si weyn loola xidhiidhinayo kooxda Man United.

Kooxda Man United ayaa muddo 2 bilood ah wadahadalo kula jirtay Barcelona iyaga oo ka doonaya saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Frenkie De Jong.

Erik Ten Hag ayaa si aad ah u doonaya saxiixa xiddiga Frenkie De Jong In uu ka dhigto saxiixiisa ugu weyn ee suuqa kala iibsiga xagaagan.

Madaxweynaha Barcelona ee Joan Laporta ayaa yidhi”Wax Niyad ah uma hayno in aan iibino Frenkie De Jong, waxa uu doonayaa in uu sii joogo kooxda”.

“Waxa jirta kooxo badan oo doonaya saxiixiisa sababta oo ah waa mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican adduunka, laakiin waxa aan wax walba u samayn doonaa sidii aan u sii haysan lahayn”.

Warkan ayaa ah mid ka nixinaya kooxda Man United kuwaas oo muddo dheer ku daba joogay saxiixa xiddiga khadka dhexe waliba aad u doonayay.