Maamulka Premier League Oo Badalay Sharci Caan Ah Ka Hor Bilowga Xilli Ciyaareedka Cusub.

Maamulka Premier League ayaa badalay sharci caan ah ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

Waxa maanta la soo saaray jadwalka premier League iyada oo kooxaha dhamaan ogaadeen kulamadooda xilli ciyaareedka cusub.

Ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub, Premier League ayaa joojiyay sharci muddo dheer ka shaqaynayay premier League.

Sharcigaas ayaa ahaa mid kooxaha ku qasbaya in ay saacad ka hor soo saaraan shaxda ay ku ciyaari doonaan kulamada.

Kooxaha premier League ayaa haatan 75 daqiiqo ka hor ciyaarta soo saari doona shaxda kulamada halkii ay markii hore saacad ka hor soo saarayeen.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga