Maamulka Man United Oo Cristiano Ronaldo Ugu Hanjabay In Ay Kansali Doonaan Heshiiskiisa, Sabab.

Maamulka kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay digniin u direen xiddiga Cristiano Ronaldo una sheegay in uu badalo dhaqankiisa hadii kale ay kansalayaan heshiiskiisa.

Sida laga soo xigtay Sky Sport, maamulka Man United ayaan la dhacsanayn dhaqanka xiddiga reer Portugal tan ilaa markii uu dalbaday in uu ka tago kooxda.

Cristiano ayaa bilowgii suuqa kala iibsiga maamulka Man United u sheegay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda si uu ugu biiro koox ka ciyaarta tartanka chamipions League.

Heshiiska Man United ee Cristiano Ronaldo ayaa dhici doona sanadka 2023 waxana uu xiddigu doonayaa in uu isaga tago kooxda Man United inta lagu jiro suuqa xagaaga.

Xiddiga Cristiano ayaa lagu arkay in uu samaynayo waxyaabo aanu raali ka ahayn tababaraha kooxda Erik Ten Hag xilli uu shaki ku jiro mustaqbalkiisa.

Maamulka Man United ayaa u sheegay xiddiga reer Portugal in ay kansali doonaan heshiiskiisa hadii uuna badalin dhaqankiisa wakhtiga soo socda.