Mawqifka Liverpool ee ku aaddan Arne Slot ayaa la shaaciyay ka dib markii Reds ay la kulmeen guuldarradii lixaad toddobadii kulan ee ugu dambeeyay, islamarkaana ay ka hareen Carabao Cup-ka.
Kooxda difaacaneysa horyaalka Premier League ayaa soo martay waqti adag oo hoos u dhac ah intii uu hoggaaminayay Slot, iyagoo afar kulan oo isku xigta laga badiyay horyaalka taasoo keentay inay hoos ugu dhacaan kaalinta toddobaad, iyagoo toddobo dhibcood ka dambeeya hoggaamiyeyaasha Arsenal.
Qaab Ciyaareerdkooda liita ee Premier League ayaa Sii socday habeenkii Arbacada kadib markii ay guuldaro 3/0 ah kala kulmeen kooxda Aston villa Kulan ay ka hadheen Carabao Cup-ka.
Slot ayaa toban isbeddel ku sameeyay kooxda laga badiyay Brentford dhamaadkii usbuuca, balse koox aan khibrad lahayn – oo ay ku jireen saddex ciyaaryahan oo dhallinyaro ah – ayaa si buuxda uga liidatay Palace.
Waxaa la filayay in Slot uu nasto ciyaartoyda qaar ka tirsan kooxda koowaad, balse xulashadiisa kooxeed ee aadka u beddelan ayaa si weyn loo dhaliilay, maadaama Virgil van Dijk, Ibrahima Konate, Dominik Szoboszlai, Cody Gakpo, Florian Wirtz, Mohamed Salah iyo Hugo Ekitike dhammaantood la siiyay fasax habeenkaas.
Tijaabooyinka adag ee Liverpool haysta ma fududa, iyadoo ay Sabtida martigelin doonaan Aston Villa, ka hor inta aysan toddobaad gudaheed la ciyaarin Real Madrid iyo Manchester City.
Inkastoo Slot uu ku guuleystay koobka Premier League xilli-ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee Anfield, haddana guuldarrooyinkii isdaba joogga ahaa ee Liverpool ayaa keenay hadal hayn ku saabsan mustaqbalkiisa kooxda.
Si kastaba ha ahaatee, BBC Sport ayaa sheegay in aysan jirin wax “fursad” ah oo Liverpool ay dib u qiimeyn doonto mustaqbalka Slot, waxayna ku adkeysatay in uu weli “kalsooni badan ku leeyahay kooxda.”
Be the first to comment