Maamulka Arsenal Oo Badalka Mikel Arteta U Calaamadsaday Tababare Horay U Soo Hogaamiyay Liverpool & Chelsea.

Maamulka Arsenal ayaa u muuqda kuwo isku diyaarinaya shaqo ka caydhinta tababare Mikel Arteta inkasta oo ay kooxdu ugu dambayn ku soo laabatay wadada guulaha kadib guushii Chelsea.

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso saxiixa tababare Rafael Benitez Hadii shaqada laga caydhiyo Mikel Arteta.

Gunners ayaa xilli ciyaareedkan ku dhibaatootay Premier League iyaga oo hal guul gaadhay 11-kii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka premier League.

Maamulka Arsenal ayaa doonaya in uu Rafael Benitez noqdo tababaraha cusub ee kooxda Arsenal marka loo eego khibrada uu u leeyahay Premier League.

Tababare Rafael Benitez oo 60 sano jir ah ayaa Premeir League ka soo hogaamiyay kooxo badan oo ay ugu waaweyn yihiin Liverpol iyo Chelsea.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*