Maalmo Kadib Markii Shaqada Laga Caydhiyay Jose Mourinho Oo Ugu Cad-Cad In Uu Tababare U Noqdo Koox Uu Horay U Soo Maamulay.

Tababaraha laga caydhiyay shaqada Tottenham ee Jose Mourinho ayaa lagu soo waramayaa in uu ugu cad-cadyahay ku laabashada kooxda Real Madrid.

Mourinho ayaa laga caydhiyay shaqada Tottenham Isniintii la soo dhaafay todobaad ka hor final-ka ay Tottenham kaga hor tagi doonto kooxda Man City.

Madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Perez ayaa taageero u a tababare Jose Mourinho waliba si joogto ah ula xidhiidha tababaraha.

Xilli uu shaki ku jiro mustaqbalka Zinedine Zidane ee Real Madrid wargayska The Athletic ayaa sheegaya in uu Florentino Perez Tababare Jose Mourinho ka dhigtay bartilmaameedka 1-aad ee uu ku badali doono Zidane.

Jose Mourinho ayaa horay u soo hogaamiyay kooxda Real Madrid isaga oo waliba kooxda kula guulaystay koobab ay ka mid yihiin horyaalka La Liga iyo Copa Del Rey-ga.

Sii Akhriso: Waa Goorma Wakhtiga Munaasibka Ah & Wakhtiga Aan Munaasibka Ahayn Ee Kulanka Sariirta Bisha Ramadaan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*