Maaliyada Jorginho Oo Qabatay Indhaha Taageerayaasha Intii Lagu Jiray UEFA Super Cup-ka & Sababta Oo La Ogaaday

Kooxaha Liverpool iyo Chelsea ayaa isaga hor yimid kulan UEFA Super Cup ah kulan ka dhacay Istanbul kaas oo ahaa mid xiiso leh oo ay labada kooxood kala dhaliyeen 4 gool.

Laakiin Goolasha iyo qaab ciyaareedka marka laga yimaado waxa jiray dhacdo kale oo qabatay indhaah taageerayaasha kubada cagta taas oo ah Maaliyada Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Chelsea ee Jorginho.

Labada kooxood ee ku kala guulaystay labada koob ee ugu waaweyn yurub ayaa isaga hor yimid in ay ku kala baxaan midkooda boqorka u ah yurub sanadkan iyaga oo ku taratamayay koobka.

Dad badan ayaa Liverpool u saadaalinayay in ay si fudud u qaado koobka laakiin Blues ayaa si cajiib ah ku bilaabatay ciyaarta inkasta oo ay 4/1 ku garaacday Norwich city kulankoodii premier League.

Chelsea ayaa ahayd kooxda Fiican qaybtii hore ee kulanka waxana ay arimuhu ugu socdeen si cajiib ah qaybtii hore ee ciyaarta marka laga yimaado Xiddiga khadka dhexe ee Jorginho.

Advertisements

Sababta ayaa ah in ay taageerayaashu si deg-deg ah u arkeen khalad dhanka magaca xiddigii hore ee kooxda Napoli ah kaas oo si khaldan loo qoray.

Kooxda uu hogaamiyo Lampard ayaa magac xiddiga oo ah Jorginho u qortay  ‘Jorghino’ taas oo ay taagarayaashu si deg-deg ah u arkeen khaladka si weyna uga hadal hayeen baraha bulshada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*