Ma Noqon Doonto Dhamaadka Adduunka Hadii Uu Lionel Messi Ka Tago Barcelona.

Musharaxa madaxwenaha kooxda Barcelona ee Victor Font ayaa ka dhawaajiyay hadal ka yaabiyay taageerayaal badan oo kooxda Barcelona ah.

Font ayaa sheegay in aanay ka tagista Lionel Messi ee kooxda Barcelona noqon doonin dhamaadka adduunka.

Heshiiska Messi ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan gaar ahaan suuqa kala iibsiga xagaaga.

Lionel Messi ayaa horay u dalbaday in uu isaga tago kooxda Barcelona xagaagii ka hor inta uuna go’aansan in uu iska sii joogo kooxda.

Xiddiga ayaa haatan si weyn loola xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda Barcelona xagaaga iyada oo lala xidhiidhinayo kooxaha PSG iyo Man City.

Font ayaana sheegay in hadii uu Lionel Messi ka tago kooxda Barcelona noqon doonin dhamaadka adduunka.

Isaga oo arintaas ka hadlaya ayuu yidhi”Messi waxa uu kooxda ku leeyahay magac weyn laakiin hadii uu isaga tago ma noqon doonto dhamaadka dduunka”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*