“Ma jirto Cid Qaban Karta Waxa Uu Hayo”:-Michael Owen Oo Amaanay Xiddig Liverpool Ah.

Xiddigii hore ee kooxda Liverpool ee Michael Owen ayaa amaan ugu qubeeyay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Liverpool ee Thiago Alcantara kadib qaab ciyaareedkii uu soo bandhigay kulankii Aston Villa.

Thiago Alcantara ayaa badal ku soo galay qaybta dambe kulankii ay Liverpool guusha 4/1 ah ka gaadhay kooxda Aston Vlla kulan ka tirsanaa Premier Legauel.

Michael Owen oo la hadlaya BT Sport ayaa yidhi”Thiago waxa uu igu qasabayaa in aad daawado kubada kuna raaxaysto 24-ka Saac maalintii”.

“Sida uu kulanka u Akhrinayo ayaa ah mid cajiib ah iyo waliba sida uu kubada horay ugu wado”.

“Aniga ahaan waxa aan aaminsanahay in uuna jirin xiddig sidiisa u ciyaara Premier League”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*