Ma Arteta Ayaa Wata….Arsenal Oo Rikoodh La Yaab Leh Kaga Horaysa Kooxaha Kale Ee Premier League Tan Ilaa Markii Uu Mikel Arteta Yidhi.

Kooxda Arsenal ayaa bar-baro niyad jab leh la gashay kooxda Leeds United kulan ka tirsanaa horyaalka premier League kulan ka dhacay garoonka Elland Road.

Daqiiqadii 50-aad ayaa xiddiga garabka uga ciyaara Arsenal ee Nicolas Pepe loo taagay kaadhka cas loo taagay kadib markii uu madaxeeyay xiddiga Leeds ah.

Kadib kaadhkaas cas Gunners ayaa rikoodh la yaab leh kaga horaysa 19-ka koox ee premier League tan ilaa markii uu Mikel Arteta kooxda yimid.

Tan ilaa markii uu Mikel Arteta yimid kooxda Arsenal bishii December 2019 Arsenal ayaa loo taagay 5 kaadh oo casaan ah horyaalka premier League.

Kooxda Arsenal ayaana ugu yaraan 2 kaadh ka badan dhamaan kooxaha kale ee horyaalka premier League.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*