Ma Aragtaan Barca….Luis Suarez Oo Durba Barcelona Tusay In Uu Yahay Gool Dhaliye

Luis Suarez ayaa durba taageerayaasha Barcelona iyo Maamulka Kooxda tusay Waxa ka maqan kadib daqiiqado yar oo uu u ciyaaray kooxda.

Xiddiga Suarez oo kooxda Atletico Madrid ku soo biiray todobaadkii hore ayaa daqiiqadihiisii ugu horeeyay u ciyaaray Atletico Madrid.

Suarez ayaa badal ku soo galay 24-kii daqiiqo ee ugu dambeeyay kulankii ay Atletico guusha weyn ka gaadhay kooxda Granada kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga.

Suarez ayaa daqiiqadihii uu ciyaaray isku baray taageerayaasha kooxdiisa cusub sidoo kale taageerayaasha kooxdiisii hore ee Barcelona tusay waxa ka maqnaan doona xilli ciyaareedkan.

Suarez ayaa dhaliyay 2 gool sidoo kale caawiye ka noqday mid kale daqiiqadihii yaraa ee uu ciyaaray kulankii ay kooxdiisu guusha ka gaadhay Granada.

3 Comments

  1. Sxb kooxda.com waxana Palyer jooge dhigeysaan war ninka isaga dancin watney Maamulka iyo Tababaraha marka muxuu lawman tahey waa waxbana marka Iska daaya buun buuninta aad wadan ni aan ordi Karin gsi Karin bad noo sheegeysaan

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*