Ma Aha Xavi , Macalinka Cusub Ee Barcelona Lala Doonayo Oo Xogtiisa La Helay.

Weli waxaan banaanka oolin ruuxa noqon doona badelka tababare Koeman ee Barcelona xilli ilo wareedyo tilmaameen in maamulka dooneyn in ay ku deg degaan casilaadiisa

Shantii kulan ee la soo dhaafay Barclona laba waa laga badiyay laba bar bar dhac ah halka hal kulan ay badiyeen waxa ayna xalay guul daro xanuun badan kala kulmeen Benfica oo sedex gool uga  talaabsatay

Sidaas oo ay tahay wargeyska Sport waxa uu leeyahay maamulka kuma fikirayaan in saacadaha  socda ka taqalusaan macalinka balse ay wadaan baaritaanka badelkiisa .

Dhanka kale Radio Catalonia waxa uu leeyahay ” Koeman ma sii joogayo inkastoo maamulka gudahiisa isku qilaafsan yihiin go`aanka laga gaarayo macalinka reer Holland “.

Sidaas oo ay tahay isla idaacaadaas ayaa xuseysaa in macalinkii hore Juventus ee Pirlo uu yahay badelka ugu dhaw  ee madaxweynaha Barcelona ee Laporta doonayo in uu kooxda hogaamiyo inkastoo tijaabo liidata xilli ciyaareedkii hore uu la soo sameeyay Juventus

Warka waxa uu intaas ku darayaa in doorashooyinka aysan kaliya ku koobneyn Pirlo sidoo kale Xavi xiddigii hore kooxdaas ayaa ku jira waxaana wehliya macalin Roberto Martinez

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*