Lyon Oo Ka Jawaabtay Dalabkii Ay Arsenal Ka Gudbisay Houssem Aouar

Kooxda Lyon ayaa diiday dalab Rasmi ah oo ay Arsenal ka gudbisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Houssem Aouar kaas oo ay Arsenal u doonayso in ay ku xoojiso khadka dhexe xilli ciyaareedka dambe.

Kooxda Arsenal ayaa dalab 20 milyan ah ka gudisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Houssem Aouar si ay u hesho saxiixa xiddiga reer France inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Arsenal ayaa dib u soo cusboonaysiisay xiisaha xiddiga reer France kadib markii ay sanadihii ugu dambeeyay doonaysay saxiixiisa si ay ugu xoojiso khadka dhexe.

Kooxda Lyon ayaa diyaar u ah in ay iska iibiso xidiga Houssem Aouar inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan laakiin Lyon ayaa madaxa xiddiga dul dhigtay lacag dhan 25 milyan oo euro.

Wargayska Le10 Sport ayaa sheegaya in ay Arsenal xiddiga ka gudbisay lacag dhan 20 milyan oo euro laakiin Lyon ayaa isla markiiba diiday dalabkaas sabab la xidhiidha in uu ka hooseeyo qiimaha 25-ka milyan ah ee ay ku doonayso xiddiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*