La Yaabka Adduunka:Xiddig Abaalmarin Loo Siiyay Qoriga AK-47 & Sababta Oo La Ogaaday.

Waa wax iska caadi ah dhammaan cayaaraha Kubada cagta adduunka oo dhan in Abaalmarin la siiyo Xiddiga ugu fiican ciyaarta si loogu dhiiri galiyo wax qabadkiisa ciyaarta.

Inta badan Kooxaha ayaa xiddigaha siiya dhalo khamri ah ama koob yar kolba sida uu xeerka horyaalku yahay si ay xiddiga ugu hambalyeeyaan wax qabadkiisa.

Si kasta ha ahaatee koox ka dhisan horyaalka heerka 2-aad Dalka Ruushka ee VHL ayaa arin la yaab leh samaysay kadib markii uu dhamaaday kulankii Izhstal Izhevsk & Chelmet Chelyabinsk.

Arinta ayaa ka dhacday qolka Labiska kadib markii ay ciyaartu dhamaaday kadib markii ay kooxda Izhstal Izhevsk guul 3/2 ah ka gaadhay kooxda Chelmet Chelyabinsk.

Goolhayaha kooxda Izhstal ee Saveli Kononov ayaa ku guulaystay xiddiga ugu fiican kadib markii uu badbaadiyay 36 ka mid ah 38 laad oo uu wajahay waxana loo codeeyay xiddiga ugu fiican kulanka.

Kadib markii ay ciyaartu dhamaatay Goolhayaha 23 jirka ah ayaa Abaalmarin loo siiyay qoriga loo yaqaano AK-47 taas oo noqotay arin la yaab leh.

2 Comments

  1. Aadbaad u khaldantihiin banda Kooxda.com Sababtii aad sheegayseen meeday kalsooni darro ayaad igu ridaysaan maalinba maalinka ka danbeysa hoos u dhac ayaa idinka muuqda

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*