Liverpool Kalsooni Darro Miyaa Ku Dhacday , Tababare Klopp Ayaa Ka Jawaabay.

Tababaraha kooxda Liverpool ee Klopp ayaa hoosta ka xariiqay in uusan wax qal qal ah ku imaan kalsoonidii uu ku qabay ciyaartooyda kooxdiisa inkastoo kulamdii ugu dambeeyay ay soo bandhigayeen natiijooyin aan wax ku ool aheyn .

Hadalka Klopp ayaa yimid ka dib markii xalay kooxdiisa ay ka hareen FA Cup-ka ka dib guul darro 3/2 ah oo ay kala kulameen Man United

Liverpool ayaa xilli ciyaareedkaan ka sheeganeysa natiijo xumo iyadoo aysan guuleysan 5-tii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka

” Ma Jirto wax shaki ah oo aan ka qabo kalsoonida aan ku qabo ciyaartooyda kooxda , sidaas oo ay tahay nafteena waan canaananeynaa”.

” Waa sax xaalkeena %100 ma aha xilli ciyaaredkaan balse ma jirto wax laga wel welo , dib ayaan u qiimeyneynaa waxii qaldanna waan saxeynaa”ayuu Klopp ka yiri bogga Liverpool

” Kooxdeyda xalay kuma muuqan wax kalsooni daro ah , si deg deg ayaan wadada saxda ah ugu soo laabaneynaa” ayuu ku jaray hadlaka macalin Klopp

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*