Lukaku Oo Man United Ka Caawinaya Saxiix Uu Ten Hag Doonayo.

Manchester United ayaa kali ku noqon karta tartanka loogu jiro saxiixa Joshua Zirkzee iyadoo AC Milan ay hadda raadineyso weeraryahano kale, iyadoo Romelu Lukaku uu dookh u yahay sida ay sheegayaan wararku.

90min ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday bishii January in ay Man United doonayso saxiixa Zirkzee.

Wargaysyada England Iyo Yurub ayaa todobaadkii hore sheegay in Red Devils horumar ka samaysay baacsiga weeraryahanka.

Ac Milan ayaa sidoo kale lala xidhiidhinayay xiddiga Zirkzee kaas oo haatan xulka qarankiisa ku matalaya tartanka Euro 2024.

Gazzetta dello Sport ayaa qortay in Milan aysan ugu dambeyntii diyaar u ahayn inay bixiso 12.7 milyan oo ah lacagta wakiilkiisa waxana ay haatan u jeedsanaysaa bartilmaameedyo kale.

Mid ka mid ah magacyada laga fiirsanayo San Siro waa Lukaku, kaasoo si weyn loo filayo inuu ka tago Chelsea isagoo labadii sano ee la soo dhaafay amaah ku joogay kooxda AS Roma Iyo Inter Milan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga