Lukaku, Bernardo, Abraham, Pogba, Coutinho, Messi, Maddison, Kounde & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

Waxa si Rasmi ah u dhamaaday xilli ciyaareedka 2020/2021 waxana ay kooxaha reer yurub bilaabayaan qorshaynta suuqa kala iibsiga iyo xiddigaha ay doonayaan in ay la soo saxiixdaan inta uu suuqu furanyahay si ay ugu xoojiyaan kooxohooda.

Kooxaha reer yurub iyo waliba xiddigaha ayaa bilaabaya indha-indhaynta xiddigo iyo kooxo cusub oo ay ka ciyaaraan xilli ciyaareedka dambe iyada oo kooxuhu haatan la saxiixan karaan xiddigaha ay doonayaan.

Inkasta oo uu suuqu furmi doono bilowga bisha dambe hadana kooxaha ayaa dhamaystiri kara saxiixyada xiddigaha ay doonayaan maadama uuna jirin horyaal furan oo ay xiddiguhu diirada saari doonaan.

Hadaba waxa aan maalin walba si joogto ah idiinku soo bandhigi doonaa wararka xiddigaha iyo kooxaha kala duwan ee suuqa kala iibsiga.

Kooxda Chelsea ayaa la filayaa in ay dalab cusub oo dhan 110 milyan kula laabato Inter Milan si ay uga hesho Romelu Lukaku kadib markii ay Inter Milan diiday dalab 85 milyan iyo xiddiga Marcus Alonso Ah (Mail)

Ku biirista Jack Grealish ee Man City ayaa sabab u noqon karta in uu xiddiga Bernado Silva si deg-deg ah uga tago kooxda Man City iyada oo kooxaha Atletico madrid iyo Barcelona doonayaan saxiixiisa (Mundo Deportivo).

Kooxda Atalanta ayaa wadahadalo kula jirta kooxda chelsea iyaga oo ka doonaya saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara Chelsea ee Tammy Abraham (Gianluca di Marzo).

Xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba ayaa go’aanka kama dambaysta ah ka gaadhi doona mustaqbalkiisa maalinta ugu dambaysay suuqa xagaagan (Telegraph).

Kooxda Tottenham ayaa u dhaqaaqi doonta saxiixa xiddiga kooxda Barcelona ee Philippe Coutinho hadii uu Harry Kane ku biiro kooxda Man City (Mundo Deportivo).

Kooxda Leicester City ayaa Arsenal ka diiday dalabkii xiddiga iyo alcagta ahaa ee ay Gunners ka gudbisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee James Maddison (Football Insider).

Rajadii Chelsea ee helitaanka saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara Sevilla ee Jules Kounde ayaa istaagay kadib markii uu Kurt Zouma diiday in uu isaga tago kooxda xagaagan (Guardian).

Harry Kane ayaa u muuqda mid si maldahan u sheegay in uuna Kooxda Tottenham u ciyaari doonin kulanka ugu horeeya ee Man City sabab la xidhiidha in uu wali ku jiro fasaxiisa isla markaasna diiday in uu ku soo laabto tababarka (Mirror).

Kooxda Arsenal ayaa dareenkeeda u jeedin donta saxiixa xiddiga kooxda Real Madrid ee Marcos Asensio kadib markii ay Leicster City diiday dalabkii ay Gunners ka gudbisay saxiixa Maddiso (Mirror).

Wakiilka xiddiga Houssem Aouar ayaa la sheegayaa in uu la yaabay u dhaqaaqista Arsenal ee saxiixa xiddiga James Maddison kadib markii ay kooxdu xiiso u muujisay Houssem Aouar (Mirror).

Kooxda Arsenal ayaa ka fiirsanaysa in ay laba xiddig kala wareegto kooxda Sheffield United iyaga oo ka doonaya Goolhaye Aaron Ramsdale Iyo khadka dhexe ee Sander Berge (Mail).

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa la filayaa in uu todobaadkan qalinka ku duugo heshiiska cusub laguna dhawaaqo heshiiskiisa cusub (Sky Sport).

U Dhaqaaqista chelsea ee Romelu Lukaku ayaa Arsenal ka hor istaagaysa saxiixa xiddiga Luataro Martinez (Mirror).

Kooxda Ac Milan ayaa ku dhaw in ay chelsea kala wareegto saxiixa xiddiga garabka ka ciyaara ee Hakim Ziyech (Tuttosport).

Kooxda Arsenal ayaa u dhaqaaqi doonta saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Lazio ee Joaquin Correa hadii ay ku fashilmaan saxiixa xiddiga Lautaro Martinez (Corrierre dello Sport).

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*