Luka Modric Oo Seegi Doona Kulanka Granada, Sabab

Wargayska MARCA ayaa sheegay in uu xiddiga khadka dhexe ee Kooxda Real Madrid ee Luka Modric seegi doono kulanka ay kooxdisu la ciyaari doonto kooxda Granada kulan ka tirsan horyaalka La Liga.

Luka Modric ayaa ka qayb galay kulankii ay Real Madrid guusha ka gaadhay Axadii kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga isaga oo waliba gool dhaliyay.

Laakiin xiddiga khadka dhexe ayaa la badalay qaybtii dambe ee ciyaarta waxana la arkay isaga oo baraf iska saaray Jilibka.

Sidaas darteed xiddiga ayaan taam u noqon doonin kulanka Ay Los Blancos la ciyaari doonto kooxda Granada kulanka Arbacada ee horyaalka La Liga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*