Luka Jovic Oo Ugu Dambayn Isaga Tagaya Godka Real Madrid, Halkee Ayuu Ku Wajahanyahay?

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Luka Jovic ayaa lagu soo waramayaa in uu ku dhawyahay in uu isaga tago kooxda Real Madrid inta lagu jiro suuqa January.

Xiddiga Luka Jovic ayaa ku dhaw in uu heshiis amaah ah ugu biiro kooxdiisii hore ee Eintracht Frankfurt inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Xiddiga reer Serbia ayaa ku dhibaatooday kooxda Real Madrid tan ilaa markii uu 60 milyan oo euro ugu soo biiray xagaagii 2019.

Jovic oo kaliya hal kulan ku bilowday shaxda kooxda ayaa ah weeraryahanka 3-aad ee Real Madrid isaga oo ka dambeeya xiddigaha Karim Benzema iyo Mariano Diaz.

Kooxda Real Madrid ayaa diyaar u ah in ay heshiis amaah ah ku fasaxdo xiddiga 23 jirka ah inta lagu jiro bishan si uu u helo boos joogto ah.

Wargayska MARCA ayaa sheegaya in uu wakiila xiddigu haatan ku dhawyahay in uu dhamaystiro heshiiska amaahda ah ee uu xiddigu ugu laabanayo kooxdiisii hore ee Eintracht Frankfurt.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*