Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Luis Diaz ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa xilli ay Barcelona xiisaynayso saxiixiisa xagaagan si ay ugu xoojiso kooxda.
Diaz oo la hadlaya wargayska MARCA ayaa yidhi”Waxa aan joo xagaaga, waxa jira wadahadalo aynu eegno sida ay wax ku dhamaan doonaan”.
“waxaan ka shaqeyn doonaa inaan sameyno waxa ugu fiican oo aan sameyno go’aanka ugu macquulsan aniga iyo kooxda,” ayuu Diaz ku yiri.
Laacibka reer Colombia ayaa hadalkiisa sii raaciyay: “Waxaa jira wadahadalo aan la yeelanay Liverpool iyo cid kasta oo ila soo xiriirta, waxaan dareemayaa xasilooni buuxda, sababtoo ah, sida aad ogtahay, aad ayaan ugu faraxsanahay halka aan joogo, waxaana ka shaqeyn doonaa inaan gaaro go’aanka ugu fiican”.
Arintaan ayaa kusoo aadeysa xili Barcelona ay dhibaato weyn kala kulmeyso dhameystirka heshiiska, iyadoo Liverpool ay ku adkeysaneyso inay hesho 80 milyan oo euro iyada oo tartan adag kala kulmaysa Bayern Munich.
Be the first to comment