Luis Suarez Oo Xavi Uga Digay In Uu Tababare U Noqdo Barcelona, Sabab.

Xiddiga Atletico Madrid ee Luis Suarez ayaa saaxiibkiisii hore ee Xavi Hernandez uga digay in uu qabto shaqada tababaranimo ee kooxda Barcelona isaga oo sheegay in uu dagaal ka scodo kooxda Barcelona.

Shaqada Koeman ee Barcelona ayaa halis ku jirta kadib markii ay guuldaro 3/0 ah kala kulantay Benfica champions league iyada oo maamulka Barcelona shireen 4 saac si ay go’aan uga gaadhaan mustaqbalka tababaraha.

Halyeeyga koxda ee Xavi ayaa ka mid ah tababarayaasha lala xidhiidhinayo kooxda Barcelona iyada oo ayna ahayn markii ugu horaysay ee Halyeeyga kooxda lala xidhiidhiyo kooxda Barcelona.

Suarez oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Barcelona waxa ka socda dagaal xiddigaha lagu dhaawacayo, waxa aan Xavi si shaqsi ah ugula talinayaa in uuna ku biirin Barcelona”.

“Waa qof maskax badan waxana uu ogyahay in ay adagtahay xaalada kooxdu haatan waliba ay tahay in uu sugo”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Fariimo Jacay: Gabadheey Ma Doonaysaa In Aad Xoojiso Jacaylka Uu Gacaliyahaagu Kuu Qabo, Fariimahan U Dir

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*