Luis Suarez Oo Shaaca Ka Qaaday In Ay Barcelona Iska Diiday Saxiixa Darwin Nunez

Luis Suarez ayaa shaaca ka qaaday sida ay Barcelona u diiday taladiisi ahayd in ay la soo saxiixdaan xiddiga Darwin Nunez.

Nunez oo 22 jir ah ayaa Liverpool kaga soo biiray Benfica usbuucii hore heshiis rikoor ah oo dhan 85 milyan oo euro.

Xiddiga ay isku dalka yihiin Nunez ee Suarez ayaa horay u arkay tayada xiddiga waxana uu doonayay in uu kaga garab ciyaaro Barcelona.

“Waxa ay ahayd sanadkii hore markii ay kooxaha reer yurub arkeen tayadiisa sabab la xidhiidha qaab ciyaareedkii fiicnaa ee uu ku soo bandhigay Benfica”ayuu suarez.

“Waxa uu ahaa xiddig aad u yar waxana aan arkayay in uu tayo fiican leeyahay “.

“Markii uu Joogay Almeria ayaan u sheegay Barcelona in ay la soo saxiixato laakiin may dhagaysan taladayda”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*